Somali

Af-Soomaali

Dacwad ma qabtaa?

Ombudsman-ka Fiktooriya

Ombudsman-ka Fiktooriya wuxuu baaraa dacwooyinka la xiriira wasaaradaha xukuumada iyo hay'adaha.

Hay'adaha Xukuumada Fiktooriya waxaa ka mid ah dugsiyada dawlada, Vic Roads, Xabsiyada Fiktooriya, Wasaarada Adeega Aadanaha, Hay'ada Shilalka Gaadiidka (TAC), Hay'ada Daryeelka Shaqaalaha (WorkCover) iyo ka sii badan.

Qof walba ayaa dacwo samayn kara.

Haddii aad dacwad qabto

Ma qabtaa dacwad ka soo horjeeda wasaarad Fiktooriya ku taal?
Isku day marka hore inaad la dhamayso dhibta wasaarada

Kuma qanacsanid miyaa sida wasaaradu dacwadaada wax uga qabatay?
La xiriir Ombudsman-ka Fiktooriya

Mutarjum

Ku tarjumida telefoonka, wac nambarkaan weydiina Ombudsman-ka Fiktooriya:

131 450

9ka subaxii - 5ta casarkii

Isniinta - Jimcaha